Heesta Abaal - Lyrics
sida labada wabiyee
is waydaarsha gacamada
ama ceel walwaaleed
wadnahaad u jeexdoo
adi kugu warwarayee
naftan wehelkiidiyo
waxad tahay wakiilkii
wadayaasha dhiigiyo
xididayda weecshee
waayahay kordhaayiyo
wajiyadan is caashaqay
wehel ma iiga noqono
abaal ma iigu weel shuban
wareegtoy aduunyada
waagii dilaacaba
wacdaraa siyaadoo
waqalbaa hilaacoo
kugu hoora wacanoo
adna wacadkaad qaadiyo
ogow weedhii aad tidhi
ha ka dhigin waxaan jirin
ha wareejin samahanahh