VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dulqaad - Lyrics

marbaad dahab iyo xariir dushaada ku qaadataayoo dagtiyo baalaha sudhaa sidaa daa'uuska tahay xaraga lagu daawada marbaa dalag iyo biyaba marbaa diif iyo darxumo siday daris kula yihiin dushaada ka muuqataa dantiyo waayahoo ku gabay adigaa doqon kaa dhigaa aduun waa doorba dooreey waqtigu waa is daba markaase dariiqada EEBE raacoo dulqaado naftaydaneey marbaad door roone tahay doodiisiyo sheekada marnaba cidi diidi karin sidaad tahay wali da' wayn weedhaada la daabacaa marbaa dalag iyo biyaba marbaa diif iyo darxumo siday daris kula yihiin dushaada ka muuqataa dadkaba kaad ugu necbayd waayuhu ku dul joojiyaa
Queue is empty
-- / --