Heesta Hees 2 - Lyrics
turuqiyo laxaad iyo
ugu tudhatay raganimo
haybad lagu timaanyow
kaan ku taamayaad tahaye
dhulka oo ugii tumay
tusku uu darooroo
nabad lagu tanaadiyo
tuulantay barwaaqadu
adaa sharafta toban jeer
iyo taa ka dheero
mid la tiigsadaad tahay
tacabiyo waxa soo saar
karti lagu talaabsado
geesi lagu talamayo
kaan ku taamayaad tahay
todobkoo intuu da'ay
togu uu rogmanaayo
tahan lagu nagaadiyo
taaltaal nimcadu badi