Heesta Lac kusoo dheh caashaqa - Lyrics
lahashada jacaylkiyo
laxawsiga kalgacalka
igu laba kacleeyoo
ladi waayay jiifkee
jacaylkan lafaha iyo
laxaadka iyo xoogiyo
ku ligligan halbawlaha
bal inaan ladnaando
laydh caafimaad helo
lac ku soo dhe caashaqa
aynu libin ka gaadhnee
jacaylkan i lumiyee
intuu igu laxaadsaday
laga iyo calooshiyo
beerkiyo wadnaha lulay
in jacaylku leebiyo
liishaan ka daranyahay
la ilmeeyo ma ogtahay
aan u liito ma ogtahay