dadka dhoolka guba
qalbi dhayda ka cado
dhul barwaaqo joogaad
kalgacayl ku dhalisaye

dhaayaha indhaha iyo
dhuuxaad halis ku beeratyo
dhexda laylka salalayee

dalkii waad ka dhooftayo
dhul shisheeye aadaye
dhaqankii islaamkiyo
diintu yaanay dheeliyin

jacaylku dhinbiiliyo
waa dhaawac halisee
dhami waaxyahaygu
dhaqdhaqaaq u diidaye

Exit mobile version