muhashada xusuusta leh
igu curay sidii xays
xili doogu soo baxay
xigsi mooday geeluna
laga maalay xoorkii

xididada jidhkaygiyo
xubnaha halbawlaha
xiskaygaad ku marantee

xiisaha jacaylkaa
igu xidhay hogaankee
xadhigiisa qabo oo
xurmadiisa iga hoo

guurkeena xulashada
xididkaan u taagnay
xili nabad la cayn furay
dirir xadhiga laga jaray
xasil lagu bariisaday

xubigiyo kalgacalkaa
amaantaada igu xilay
aawada xabeebsaday

Exit mobile version