Marka hore marwaadkiyo
Masawaadka faraha iyo
Muxibada riyaaqo leh
Waa mid lagu yaqaanaa

Cishqii kuu maleegtana
Malaatayo ma waayine
Maalmo waxaan dareemoo
Mudo kale i daayaba
Ma naxo jacaylkuye
Maalmo waxaan dareemoo
Mudo kale i daayaba
Ma naxo jacaylkuye

Qiso raacdo hurdadaa badan
Igu meer isagaa ka soo maqan
Iima dhadhan qadhaadhiyo
Kuu yahay macaanbaa
Waad muudsataysatee
Iima dhadhan qadhaadhiyo
Kuu yahay macaanbaa
Waad muudsaysatee

Mililicada guudkiyo
Muxibada dareenkiyo
Intuu joogo meel dhow
Maro looma waayee

Malii waxay u darantahay
Markaad shalay aad ood nacay
Malii waxay u darantahay
Markaad shalay aad ood nacay
Maanta uu kuu keenaa
Eed maarmi weydaa
Ma naxo jacaylkuyee
Maanta uu kuu keenaa
Eed maarmi weydaa
Ma naxo jacaylkuyee

Qiso raacdo hurdadaa badan
Igu meer isagaa ka soo maqan
Iima dhadhan qadhaadhiyo
Kuu yahay macaanbaa
Waad muudsataysatee
Iima dhadhan qadhaadhiyo
Kuu yahay macaanbaa
Waad muudsaysatee

Exit mobile version