adoon maaliyo wax dhaqan
mowtiyo nololtoona hayn
miskiinoo fara madhnaa
markii aan kuu aqbalay
adaa maanta is badalay

inaan mano sheegto oo
ku maago maan jacayl
laakiinse midbaa jirtee

inaad iga maarantoo
baryahan guur maagantay
ayaan maqlay sheekadoo
naftaydu la maagantee
muxuu xaalkaagu yahay
inaan marta tuuro oon
masayro miyaad rabtaa

anoo muunad iyo qurux
markii horeba u dhashoo
mabsuudoo reerkayaga
maqaam sare ugu fadhiya
adaan marwo kuu noqdee

maxaa dhacay jaalkayow
midkaan rag ka doortayow
soodigan maanta is badalay

Exit mobile version