Jacaylbaan maalayaa
Xusuustan igu maqan
Adoo meel fog ku nool
Ayaad maanka yeelatee

Mid kale niyaduna
Qalbiga qalbiga
Qalbigaa aamusayee
Mid kale niyaduna
Qalbiga qalbiga
Qalbigaa aamusayee

Masuul iga ahow
Muftaaxi nafyadoow
Muftaaxi nafyadoow
Masuul iga ahow
Muftaaxi nafyadoow
Muftaaxi nafyadoow

Ana maanta gacaliyo
Kaama maarmee
Dhiigaad ku milan tahay
Ana maanta gacaliyo
Kaama maarmee
Dhiigaad ku milan tahay

Miirkaan dhawrayaa
Hadaan muuqaaga arag
Arladoo dhami waa mugdo
Xabiibi waan mahsanee

Mid kale miyaan doonayaa
Aduunbaa aduunbaa
Aduunbaa i muuqanee
Mid kale miyaan doonayaa
Aduunbaa aduunbaa
Aduunbaa i muuqanee

Masuul iga ahow
Muftaaxi nafyadoow
Muftaaxi nafyadoow
Masuul iga ahow
Muftaaxi nafyadoow
Muftaaxi nafyadoow

Ana maanta gacaliyo
Kaama maarmee
Dhiigaad ku milan tahay
Ana maanta gacaliyo
Kaama maarmee
Dhiigaad ku milan tahay

Exit mobile version