kaalay laabta igu qabo
waxaad tahay mid qawliyo
aan u qeexay raganimo

qarnigan aan joognana
waxaad tahay nin qaaliya
aan la quudhi karin

sidaad tahay qardhaasbaan
qoorta kugu sitaayoon
qoomka kaa xushee

qalbigaad la daristee
naftu kugu qashuucdoo
wadnahaad ku qorantee

qarnigan aan joognana
ruuxaan kugu qiyaasaba
indhahaygu may qaban

Exit mobile version