Heesta Sahwi jaceyl - Lyrics
sal ma dhigo jacaylkuye
ilayn ruux sabooliyo
saqiir kama xishoodee
saxansaxo udgooniyo
subuxoo iftiimaad
siinadoodi leedahay
waxa uu socdaaaliyo
sahan uu ahaadaba
sibiqma igu soo galay
daruuraha sabeeyee
midba suurad leedahan
sariir kuu dul dhigaya
ma sahwiyay dajisoo
intuu samada ila tagay
samirbaan ku farayaa
samiirihii naftaydaay
saqda dhexe habeenkii
aawadaa ma salalaa
seexan waa ma igu riday
waxaan kaaga sahansaday
dhamaan dumarka kula siman
dareen saa'id weeyee
sabarada jidhkaygiyo
saablayda feedhaha
saabaleyda feedhaha
wadnaha ma isa soo sudhay
sal ma dhigo jacaylkuye
sal fudaydi maayee
SAATIRbaan cuskanayaa
laba subax aduunyadu
si ma wada ahaaatee
saan kula rabeey noqon
hilbo kala sareeyiyo
laftu sare u qaadaan
sooryo kaaga dhigaya
suniyaha indhihiyo
xubnaha dhabarka
saacidaan maxaan
ku jiibsanaayaa
sirtan igu nagaadayna
sur magooyo noqotay
saldhigii wadnahaba
seedihiisa noqotaye
saacadii aan joogana
nafta kugu sasabaya
sikin kii aan joogana
qalbi kuusaboolaan
adi kula sugayaa
saaradii jidhkaygiyo
saableyda feedhahaa
seedaha intuu xulay
wadnaha ma isa soo sudhay