Hadaan kugu waalan gaadhay
Wadnaha kugu habi jiree
Sidii wali lisiraadliyo
Weedhadune ila cusleed

Hadaan waji gabax ka qaade
Hadaad waan toobi weysay
Wanaagi bohol ka tuurtay
Wareerka maxaa ibaday

Warhooy weyne waa illaah
Walaacii wuu dhamaade
Anigu wardi caashaq kuma jiro
Wiilow wajigaga iga qari

Hadaan wehel caashaq buushay
Hadaad igu wiirsan gaartay
Waayo badan kuu samraayay
Wayeelki hadal ka diiday

Hadeey walwal la’aan ku heysay
Waaridu iga raaci gaartay
Markuu axdigeeni wiikhmay
Hadaad waajibkaagi seektay

Wadadu heedhe waa labee
Walaacii wey dhamaade
Anigu wardi caashaq kuma jiro
Wiilow wajigaga iga qari
Ani sidey ila noqotay wayay

Waxaa qoray: Bashiir Salaad

Exit mobile version