Geediyoo magoolee
Maankiyo caleentiyo
Korba gedaha bixiyoo
Meeshaad ku taaliyo
Muuqaaga wacanbaa
Maankaygu raacee

Mahadhooyin badanoo
Maahmaahyo reebaa
Iga maray kalgacalkoo

Ana muhashadaadiyo
Jacaylkaan ma maarmee
Ana muhashadaadiyo
Jacaylkaan ma maarmee
Midigtaada midigtaada
Macaanoow midigtaada ii dhiib

Murugada naftaydiyo
Dhibtaan adiga kuu maree
Marna lama maleeyee
Meeshii aad joogtaba
Muxibadaadu inanyohoow
Aniga wey igu marantahee

Mahadhooyin badanoo
Maahmaahyo reebaa
Iga maray kalgacalkoo

Ana muhashadaadiyo
Jacaylkaan ma maarmee
Ana muhashadaadiyo
Jacaylkaan ma maarmee
Midigtaada midigtaada
Macaanoow midigtaada ii dhiib

Exit mobile version