Bartay inaad I nuglayn bartay
Bartay bartay inaad ii damqanayn bartay
Bartayoo ujeedadaadii waan bartay
Ujeedadaadii waan bartay

Buuq inaanay noloshu ahayn bartay
Laqabsi farxad ruux ku jecel bartay
Siday kuu jameen u jamo bartay

Bukaan ma ihi hadee ku bartay
Ka guuray bartii horoo ku bartay
Badbaadshay ruuxdiyo naftaa
Ruux I Raba la noolahay

Bartay kibirkaaga bartay
Bartay bartay buuqaaga bartay
Bartayoo been beenta reebay
Bartayoo been beenta reebay

Bogsii qof adi kuu Qalmaan bartay
Page kii hore noloshaan laabay
Laabayoo bog kalaaban furtay

Bukaan ma ihi hadee ku bartay
Ka guuray bartii horoo ku bartay
Badbaadshay ruuxdiyo naftaa
Ruux I Raba la noolahay

Exit mobile version