jacal igu xadiraa
naftayda xan xantaynayoo
xasuustaada markaan yargalo
intaa xawilmaan baxaa

xad dhaaf weeyi cishqigaa
xabiibi aan kuu qabo
xiisaha kuma koobi karo
miyaan xakamayn karaa

xigigta caashaqa shiday ma adaa
xiskayga mida hantiday ma adaa
xidiga caashaqa shiday ma adaa
xiskayga midka hantiyay ma adaa

qof aan laga xiiso go in madaa
wadada loo maro xubigu ma adaa
qof aan laga xiiso go in madaa
wadada loo maro xubigu ma adaa

xafiisbaa kuugu yaal
wadnaha xarun aad uwayn
xiskana adigaa dagoo
qalbiga hantiyoo xukuma

xubnaha oo idil dhaman
ilaa xididada wadanaha
ayaad xaq uyeelatay
xayaati kusoo dhawoow

Exit mobile version