VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xayiraada waayaha - Lyrics

anoo xidhayo jacaylka xagiisaba u jeedin anoo xayndaab ku ooday xasuusta dhibaatadayda adaa helayo xogtaydayda naftii xaqirnayd u gargaaray waxaad igu furtay baab xariira xiisad igu abuurtay maanka qalbiga adigaa xoreeyay kashii murugadu xanbaartay xaqiiq adiga ka maydhay adaan ku xujeeyay wax dhaama markaan u helaan xabiibi dartaa xasilay xayaati xariir dhaladeey macaanto adaan kuu xidhay bogayga haduu xumaan nacab abuuro adaa xadhigeena goyn adaan caashaqeena xoorayn xidhiidhka adaan diciifin adaa xafidoo dhankaaga xogteena adaa badbaadsha xuduuda inoo dhaxaysa anoonkiyo kala fogaanta basaylkiyo kala xidhnaanta hawada xayiraada keentay mar waynu ka xoog badnaane ku samir xiliyada macaanto markaan u helaan xabiibi dartaa xasilay xayaati xariir dhaladeey macaanto adaan kuu xidhay bogayga
Queue is empty
-- / --