Duruufaha adduunbaa
Dowgii iga habaabshoo
Weli daba guraayaa

Oon ku daallanoo
Weli aan ku degin
Waan daba gucleeyaa

Nimeey dani hoddoo
Duni aan lahayn
Dawooy lama daneeyee
Daa'im baan cuksanayaa

Waxaa jira adduunyada
Laba dookh israacshoo
Dani kala fogaysee

Haddii aan dawooy
Darma kuu dhigayn
Dahab kaa lulayn
Macidlaan ku daajaa

Nimeey dani hoddoo
Duunya aan lahayn
Dawoiy lama daneeyee
Daa'im baan cuksanayaa

Exit mobile version