Heesta Leyla - Lyrics
laylaay waxaa tahay
laantii dhuubanayd
ka lignayd janaadoo
laabsheega dunida
laydha la iga siiyaay
illaahaan ku dhaartee
laafyahaaga oo qudha
waxa loo maleeyaa
sida laan magooshee
ama libin caleentii
dabayluhu lulaayaan
ana layl habeeniyo
ma ladoo dharaartii
love love daraadii
kama leexdo geedaha
laxawgana aday baday
laakiin waxaad ogaataa
libin laguma waaree
laf aleelaan waligaa
lama tuubaa abid
lafdabana ma fiicnee
ruux laabta ka ajecel
lama liido laylaay
adaa laylka igu galay
nabsigaad lulatana
maruun buu laf dhabarkiyo
luquntaba ku jabiyaa
liisaanka hadalkana
aan kuu laqbee
iga daa lugooyada
lurkiyo jacaylkana
adaa ii lahaayee
ma lisnaa kalgacalko
intaan luxudka lay dhigin
lamaan ma isku noqonaa