Heesta Samiira - Lyrics
Samiiroo cishqigaaga
Isal guuriyoo
Aawadaa sahwi iyoo
Safaad igu dhalshoo
Sanbabadaa boggaygiyo maankayga suran
Xubnahaaga simaniyo
Sirigtiyo anshaxa
Ayaa sababayoo
Igu saa'idshee
Jacaylkaan isidaaa
Waan u soo samree
Saman kala macaan
Lama sugi karee
Si un noogu tali
Samiirooy hablaheenna soomaaliyeee
Adaa suuraddiyo
Sarajoogga wacan
Iyo sabarka qoran
Kaaga sahansadayee
Illaa uu saldhigo
Caashaqa samaanta
Aan ku siiwadnee
Laabtay ila soco
Jacaylkaan isidaaa
Waan u soo samree
Saman kala macaan
Lama sugi karee
Si un noogu tali