xuural cayntii dunidaay
dumar taan ka xeertaye
xiska iiga taalaay

xaalashayda noqotida
xili kasta ku taamaa
xubigeena xaalee
xafidoo xumo ka dhawr
xilkiisaa ku saarane

xulashaydaydii dumaree
xabiibii xayaatii
aan xaq dhawrno caashaqan

xaragadaa u dhalataa
xidhashada dhar qaadasho

xaawalayda idilkood
aday ku xantaano
ishay kugu xadaane

xaashaa lilaahiya
xaaskay inaad noqon
xabadkaa gali taa

Exit mobile version