Bartaad igaga taalee
Barkale dawaynayn
Mid bogsiin hadaad
Tahay axdiguna bir
Kula yahay x2

Balantii aan dhiganaba
Waligaa ha beenayn
Barashadii kalgacal
Kuna bilaash yaanay
Kula noqon x2

Marse hadaan barbaar
Tii baxsanow daraadaa
Ugasoo banaan baxay
Cidla haygu baylihin
X2

Bad baadadii naftayday
farxadaan is baranaay
Niyad lagugu beeraa soo
Booqo igu tiri x2

Balankii Ilaahay sharaf
Kugu habooneeyd
Bilaneey hadaan helin
Ha’woow guura ii dumin
X2

Saw badi hablaha qaar
Biyo kuuma siiyeen
Sow barkeed adduun
Yada kaaga maan dhig-
Een boqor

Balse waxad ogaataa
Inaan baydi iyo hodan
Iyo meel barwaaqa ah
Ugu baaq is leeyahay
X2

Boholyoow daraaddii
Bartamaha habeenkii
Sow maan soo bararugo
Oo bogaygu kuma tebo
X2

Beerka iyo wadnuhu ani
Saw ima babbanayaan
adaa baday jacaylkee
Haraadkiiba kama bi’in
X2

Marse haddaan barbartii
Baxsanow daraaddaa
Uga soo bannaan baxay
Cidla haygu baylin x2

Bad baaddadii naftayday
Farxadaan is baranaay
Niyad lagugu beeraa
Soo booqo igu tiri
X2

Sow beel nimco ahi
Bulsho caafimaad barni
Inaan ku kulannaa beer
Kayga kuma hayn x2

Balse waxaad ogataaa
inaan baydi iyo hodan
iyo meel barwaaqa ah
ugu baaq is leeyahay
X2

Exit mobile version