Heesta Iga dhawr - Lyrics
dhaawac bay ku yaaloo
laqdhaqaaqi waayoo
lafta dhabarka celisaa
laba dhinac inoqotee
ruux dhimasha joogaa
dhulaan looma dheeloo
dhaanta looma celiyooo
taahii lama dhageestee
axdigii dhaxdeeniyoo
wada dhalashadeenii
aqalkaan dhiseenaaa
dhinacii ka tuurtee
miyaan aadan kuba dhalin
xaawo naaska kuu dhigin
dhabta hooyo kuugu qaban
iga dhowr dhibaatada
ragga laguma dheelee
sida dhool guyoo da,ay
dhibicdiisu hoortoo
laga dhaansanaayaan
kuu dhowrayaa weli
dhabankaaga ruux lihi
ifka caga masoo dhigin
dhambaalkii warkeegaay
kuma dhaaafi karaye
isku soo dhageeniyo
dhunkashadi macaaneed
dhulkoo kula wareegiyo
dhinbil yaanay kugu noqon
miyaan aadan kuba dhalin
xaawo naaska kuu dhigin
dhabta hooyo kugu qaban
iga dhowr dhibaatada
ragga laguma dheeleee