googaa ma dhaabnaa
cigale ma gudubnaa
gunti walac u jeedada
ma ku soo gurgurinaa
jacaylkan gaaxda
ma u soo godlaynaa
hadalkana sidirigam
ma ku gaabsanaynaa

googaana waa hadal
cigalena waa garo
gurgur qaadka hadalka
lagu geedi galiyaa
maxaa gurac iyo garo
uga wada gabyaysaan
geed qari jacaylkii
guurna waa ninkiisee

gartii ceel kii sheekee
ka gurina weeraar
isma gayada sheekadu
gabdhaha way ka wayntay
hadaan gacanka caashaqa
midho kaaga soo guro
oo goosan waydaan
waa godobe ma ogtahay

hadalku waa gimadanyahay
waanu kala go'aayaa
gurgur qaadku waa kali
geedigii dhaxaa maqan
oo gaadadiisii
wuu ka gaabtay shaqalkii
guumays rageed gabay
guur muxuu tarayaa

Exit mobile version