VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Soomaan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Bacalwaan
Soomaan

Guryo samiyo howdoo
Seerma waydadii iyo
Gud guduhu saqdii
Miray salaadii kaqaado
Libdhaduna kusii haray
X2

Oo laba sagaalaad
Subax noolba uu helo
Oo sodon dharaarood
Diinka iyo cowshii
Saryanka iyo deeradu
X2

Raad sagaaro mooyee
Wali beeshu sahan
Dhigin socotadu ku jiidh-
Een inay sahan madoon
Tahayeey x2

Dareemaduna sacarkiyo
Kala saartay muruqiiyay
Geedaha sawaal baxayey
Ay calentu siman tahayey x2

Cirku sagal yar leyahay
Daruurtana isxidhay
Quruxdaa bal suuree
Siday tahay u faalee
Siiraac miliilica sidaa
Saad ka dhigan tahee
X2

Buuruhii sanaagoo
Dhibic daadka qaadiyo
Helay saymo roobaad
Sulubkiyo abaartiyo ay
Dhaafto siigaadu x2

Oo laba sideedaad
Sadax iyo lix jeer helay
Iyo laydha siiraac salka
Raysku uudagay sobaxay
Maxad sugi x2

Seexdayoo baldhooluhu
Sida sida sayn fardood
Yahay sabarada xareedii
Biyuhu saabka joog-
Aaney x2

Saxan saxo udgoon
Badan ay sooqayaa
Uriyeey suradkiyo jiicii
Sarmaankiyo maraagii
X2

Sogsogtiyo galoolkuna
Saameelay ubixii adaa
Suuradeeda leh sanku
Neefle oo idil cidna
Kumaan siisteen x2

Halbowlahoo kusugayan
Sii iraah wadnaha dhiig
Wuu igu saluugaa samir
Baan idhaahdaa wuu
Sarakacayaa nafkuu
Sooman weeyaan
X2

codkii Bacalwaan, Saado cali Warsame