Heesta Jamiilo - Lyrics
Inkastoo jid dheer iyo
Jamal iyo jiif wayn
Jamalo noo dhaxeeyaa
Jamiiloooy nafta waad hor joogtaa
Kaama jeeso karo
Qalbigaa la jaartahay
Abaayoo Wacadkayna hajibin
Macaantooy Wacadkayna hajibin
Jabba jaba! jaba iima laabnee
Jamiilo hadaad jamato maan kale
Imanku jirkaagiyu
DHabanada jaaha iyo
Naftu way ihor joogtaa
Jagaar wacan miyaan jiifsan karayaa
Kaama jaro hankaygoo
Naftu way jaribantahee
Abaayoo Wacadkayna hajibin
Macaantooy Wacadkayna hajibin
Jabba jaba! jaba iima laabnee
Jamiilo hadaad jamato maan kale