inaan ku ag jooga iyo
anoo kafankaaga jecel
kaw iyo laba ha iga dhigin
inaan kulanee ka badi
kalsoonida hayga diliney
ado kakan yaan arkine
kashayda wanaag tusoo
farxadi haka muuuqatee
jacaylka ku beer wajiga
koolkooli naftayda ooo
waxaan kugu aaminiyo
furaha qalbigaaga keen
kaygana kaligaa sidoo
ku hay beerkiyo wadnaha

anoon kaa marmi karin
inaan kugu daala iy o
inaan kab sitoon ku luro
naftayda kadeed ha badin
karaamada hayga lumiineey
anoo kuu heesayoo
adoo ubax koob ku sida
jacaylka lagu korshaaye
xubigu yuu kaa dhamaan
koolkooli naftayda ooo
waxaan kugu aaminiyo
furaha qalbigaaga keen
kaygana kaligaa sidoo
ku hay beerkiyo wadnaha

Exit mobile version