Cishqiguu dhadhamiyoo
Kataga maaha
Dhiiriyoo dhagayso maaha

Dhaayo kujecel
Dhib ugeeyso maaahaa

Dhab u beer jacaylkoo
Dhanna hakaa teginee

Illeen naf wax jecel
Iyadaa dhibbanooo
Sii dhib maahaa

Cishqiguu dhisoo
Dhidib weeyee
Dhool dhooliyoo
Dheeliga udiid weeyee

Ruux dhab kuu jecel
Soo dhaweeysoo weeyee

Dhab u beer jacaylkoo
Dhannaa hakaa teginee

Illeen naf wax jecel
Iyadaa dhibbanoo
Sii dhib maaahaa.

Exit mobile version