qalbi uu kalgacal dagay
qandho iyo xanuun iyo
qiiro lagama waayee
qayaayuulkan igu dhacay
miyaad ila qabtaa anii

qamuunyadiyo xiisaha
miyaad ila qabtaa ani
ilmadaydu qubataye
miyad ila qabta ani
qiso waatan igu dhacdee
miyaad ila qabtaa ani

qudha yarkii qaboojinaayoo
qumanoow naftaa
ku quud daraysee
ku qaabilaye soo dhawoow
ama qaalibaad noqon
nolol aan la qaybsado
ama quus ayaad noqon
naftu ay ka qanacdee

qadarin iyo tix galinbuu
qofka nooli mudanyehee
waana qaali barashadu
qab jacaykani igu yidhi
miyaad ila qabtaa anni

xumadiyo qunbacashada
miyaad ila qabtaa ani
qudurada layaabka le
miyaad ila qabtaa ani
qiso waa tan igu dhacdee
miyaad ila qabtaa ani
by masuul.com

Exit mobile version