Xiskayga adaa degoo
Xusuuustaydii hantiyay
Qalbiga xayndaab gashaday

Adaan ragba kaa xushee
Ee hadmaan xiddigyahoow kuheli

Naftayda xayaati oran
Anoo xabiibiyoo
Ammaan xadba aan lahayn
Jacaylak xaqiisa mariin

Sidaan ahay ruux xawilan
Xarkaan kuhayaa naftee
Xogtayda haddaadan hayn
Xantayda miyaadan maqal

Qalbigaan awgaa xanniban
Raggii kale xeer la galay
Inaanu xaggooda deyin

Aduu xurma kuu hayaa
Ee hadmaan xilahaaaga noqon

Xuquuqda jacaylka iyoo
Xil baa jira aan sidee
Hadmaan ka xoroobayaa
Jacaylka naftayda xiray

Sidaan ahay ruux xawilan
Xarkaan ku hayaa naftaydee
Xogtayda haddaadan hayn
Xantayda miyaadan maqal.

Exit mobile version