naftii kugu xeer lahayd
xumaanta markaad u quudhay
ayaan nacab kugu xisaabshoo
niyadaan kuu hayn xaqdhawr
xadkaan la dhaafin iyo
xurmadii adigaa ka tagayoo
qalbigii adi kuu xalnaa
gudan waayay xilkiisii
xulashadii dhexdeena tiil
xidhiidhka adigaa u gooyo
xiisihii kalgacalkana
xagaaga adigaa cidleeyay

naftii ku xis guurtayee
xanaano markii ay wayday
ayay xalka gaadhayoo
xasuus baanay kuu qabin
xaqaan mudnaa iyo
xubigii adigaa burshoo
laabtii adi kuu xaadhnayd
garan waayay xushmadeedi
xulashadii dhexdeena tiil
xidhiidhka adigaa u gooyo
xiisihii kalgacalkana
xagaaga adigaa cidleeyay

Exit mobile version