Soomaali waa mid
Waa ul iyo mayrax
mataano weeyo
Meel bay kawada timid
Midigee bidixi maka maarantaa
Madaxoo majaha maka maarantaa
Maskaxee aqoon maka maarantaa
Miinlayda heestiyo murttida ujeeda
Jawaabo aan maya ah baa
Micnahoodu uu yahay
Umadyahee Midnimo Maka maarantaa
Maamul dawladnimo maka maarantaa
Nabaddaa macaanee maka maarantaa
Isma garabsatoo midigta is qabsada
Kala maarmi meesaan
Soomaaliyay midigta is qabsada
Soomaali waa mid
Dhaqankeedu waa mudan
Asalka midibkiyo
Madhabkee ka simantahay
Masuuloo shacabka maka maarantaa
Maatiyee daryeel maka maarantaa
Muranoo garsoor maka maarantaa
Miinlayda heestiyo murttida ujeeda
Jawaabo aan maya ah baa
Micnahoodu uu yahay
Umadyahee Midnimo Maka maarantaa
Maamul dawladnimo maka maarantaa
Nabaddaa macaanee maka maarantaa
Isma garabsatoo midigta is qabsada
Kala maarmi meesaan
Soomaaliyay midigta is qabsada