Saqde Dhexe anoo hurdaaya
markaan Sacdiyaay Ku waayay
intaa sawirkaga eegay
sadriga Maxaa Ka Ooyay

Saqda aad haatan Joogto
intaan Sax u soo Abaaray
markaan Ubax Kugu salaamay
markaad Saa Un iga Gudoontay
hadimo Caashaq Seedhay

Adaan kuu soo socdaa – Kaalay
jaceyl baan kuu sidaa – Ii Keen
wadnaha Sooryadiisa u weyn
sidaa ula soco Gacalisooy
sidaa ula soco Walaaley
hobeeya hoobey Hobeeya
hidiyo hooyaalayeya
hobeeya Hoobey Hobeeya

Saqda Dhexe Anoo Hurdaaya
markaan dusha sare u booday
sidi shimbir u duulay
samada Kali sii dhex jiiray

Saqda aad haatan joogto
intaan Sax Usoo Abaaray
markaan Ubax Kugu Salaamay
intaan Saan Iga Gudoontay
hadimo Caashaq Seeday

Adaan kuu soo socdaa – Kaalay
jaceyl baan kuu sidaa – Ii Keen
wadnaha Sooryadiisa u weyn
sidaa ula soco Gacalisooy
sidaa ula soco Walaaley
hobeeya hoobey Hobeeya
hidiyo hooyaalayeya
hobeeya Hoobey Hobeeya

Exit mobile version