Doraad adigoo hadh joogay
Nimcadu ku hareera taalo
Adoon hubinoo u fiirsan
Markaad haeo kale u booday

Wixii ii hana qaaday
Inuu ku hodoo habawday
Jar iyo haadaan ka duushay
Hadaad goor danbe ogaatay
Mar kale anuu kuu hilaacay
Hirtaayadii oo wareerka
Xasuuso ka heelo meeshoo
Habeen tagay sooma laabto

Anoo hablo kale la haysan
Haween adi kaa jeclaaday
Hantaaqada kaa ilaasha
Markaad wacadkii halaysay

Heshiiskeenii xumaysay
Horwada kaligaa ciyaartay
Halkaad haamaha u culatay
Hadaad hiigsatoo la wayday
Mar kale anuu kuu hilaacay
Hirtaayadii oo wareerka
Xasuuso ka heelo meeshoo
Habeen tagay sooma laabto

Exit mobile version