Heesta Nuuraay - Lyrics
nuuraay naruurooy
nabadiyo nasteexiyo
nuqul caashaq beeriyo
waxaad tahay naqiyo doog
neecow udgooniyo
nuurkii indhaha iyo
qalbi naaxintaydiyo
waxa tahay naq i da'a
aayahii naftaydaay
nasiib tuu i siiyaay
aan nolol wadaagnee
ila naaxi caashaqa
nuuraay naruurooy
nacab xaasidaa jira
neceb wada jirkeenee
jecel nabaradeenee
nuxnuxlaha warkiisiyo
garo naar afuukuba
inuu yahay nuxuusiyo
nabaad guurka aayaha