Dahabiyo xariiray
Dayaxiyo hilaacaay

Aan kuu duceeyee
Aan kula dardaarmee

Dabeecadaha aadmigu
Dadka waa U kala cayn
Oo duurba noocbuu
U arkaa dantiisee

Waxaan kaaga digayaa
Dagdaga iyo fudaydke
Daganiyo samir baandaa daaim baan ku faran gala

Dumar iyo rag labadaba
Kuna dhaqan dulqaadbay
Dunidu isku dhaaftee

Noqo Damar han wayn Midan dowga loo sheegin
Dadku wada amaanoo
Ay u wada duceeyaan

Alla la daayo weeyoo
Calafkaagu kuma daro
Dookhaaga ruuxa
Daacad u ahaydoo
Dar ilaahay kuu qabo

Abti nabada daaroo
Sahuur nabada daaroo
Dariiqiyo sharaf wayn
Kugu deeq ilaahay
Ama arag wax kuu daran

Exit mobile version