VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hobeey hobay hooy mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Bashiir ibraahim
Hobeey hobay hooy

Hobeey hobay hooy
Iliga iyo laabta taan ku hayaay
Hobay hooy
Qalbigu u halaanhalaayeey
Hobay hooy
Kolay kaama hadhi karaye
Hadalaadii dhexdeena
War maxaad ka haysaayee
Hobeey hooy hobeey hooy

Hobeey hobay hoy
Hadhkiyo ha iga kicin hurdada ee
Hobay hooy
Horaan kuu idhi wax kuuma hayee
Hobay hooy
Hantaaqdiyo hadalka iga daaya
Waxaad la hurdayso iga haay
Hobay hooy hobeey hooy

Hobeey hobay hooy
Huluulaha ku heeryo dhigay
Hobey hooy
Intaan hadhka galay u heesaaye
Hobey hooy
Kolay kaama hadhi karaye
Hadalaadii dhexdeena
War maxaad ka haysaayee
Hobeey hooy hobeey hooy

Hobeey hobay hooy
Waxaanad helayn lama hiigsado
Hobey hooy
Adaa isku horseeday hooga dhigtay
Hobey hooy
Hantaaqdiyo hadalka iga daaya
Waxaad la hurdayso iga haay
Hobay hooy hobeey hooy

Hobeey hobay hooy
Hamiiniyo maalin galin holaciyo
Hobey hooy
Harariyo igu soo maray
Hobey hooy
Kolay kaama hadhi karaye
Hadalaadii dhexdeena
War maxaad ka haysaayee
Hobeey hooy hobeey hooy

Hobeey hobay hooy
Hablaha gabadhaan naftay u huraay
Hobey hooy
Waan hawro biiyano hoy galayee
Hobey hooy
Hantaaqdiyo hadalka iga daaya
Waxaad la hurdayso iga haay
Hobay hooy hobeey hooy

Hobeey hobay hooy
Halbawlaha dhiiga kii habayoo
Hobey hooy
Qalbigu u hawaawirayaayoo
Hobey hooy
Kolay kaama hadhi karaye
Hadalaadii dhexdeena
War maxaad ka haysaayee
Hobeey hooy hobeey hooy

Hobeey hobay hooy
Habaar qof qabaa ma hagar baxo
Hobey hooy
Habaaska aday ku hooyanaayee
Hobey hooy
Balaayada aday ku haysaaye
Waxaad la hurdayso iga haay
Hobay hooy hobeey hooy

codkii Bashiir ibraahim