waa aduun cilada badan
calmashada kalgacalkuna
wax la,aantu ceeb tahay
waa aduun cakiranoo
jacaylkii curyaamoo
caashaqa la ibsado
adigon cisayniyo
caqli aan lahayn buu
caashaq iga kaa galay

waa caado dumariyo
cadawnimo haweenoo
waa camal gamboolay
cudur baa i helayoo
caafimaad ka quustaye
waa maxay ciqaabtani
adigon cisayniyo
caqli aan lahayn buu
caashaq iga kaa galay

Exit mobile version