caku saw jacaylkiyo
dani may jilib xidhin
jamashada naf iga maqan
riyo kulama jiifsado
jaaha adag naftaydaay
jibaad olosho beeneey
adoo waaxyahay jaroo
jeenyaha i gooyee

waa aduun jacaylkii
kala iibsi joogoo
ninkuu jeebku madhanyahay
jaahil lagu tilmaamee
jirab iyo dhibaatiyo
waxaan jarar kasoo dhacay
uma jooojinaayee
macaan kaalay ila joog

jacaylbaa i jajabiyyoo
i jibaaxay anigee
jarati buu igu helayoo
jalkii qaadan waayoo
jaha adag naftaydaay
jibaad olosho beenaay
aday waaxyaha i jarayoo
jeenyaha i gooyee

Exit mobile version