kolkii aan kalsooniyo
kaasbashiyo wanaagiyo
kaa sugaayay kaalmada
igamaad kaafinee
kol hadaad kalgacalkii
aadan kayd u dhigin meel
kala reeban waydoo
kaar kiisii uu jabay
kol dambana ha ii iman
koolka badana iga daa
ka dhaqaaji eegana

kibirkiyo kaskaagii
kolba noocyalayntii
kaldhaash bay ku saartayo
waan kala fogaanaye
kolbay talo ku joogtoo
kugu tami jirayoo
ku tolnayd wadnaha iyo
kurtigoodba waaxyaha
kol dambana ha ii iman
koolka badana iga daa
ka dhaqaaji eegana

Exit mobile version