Laari
Ku guur caqligiyo garaadka
ogow cilmi waxaad ku gaadho
intaad guntatood dadaasho
aqoonta gurigaaga toosi
guniyo baar anoo u sheegay
dabadii gurigii weeyee
Bal maxaad noo gebo-gabeysay
gaadiidku cudur ku guuro
gurada ubadka uga saartay
bal maxaad noo gebo-gabeysay

Binti

Inaga oo gubanoo haraad nay
gasin iyo gogolba weyney
gaajiyo cudurna u bislaanay
halaagga adaa baday reerka
tukaale guurso islahaydee
bagaad garab iiga weydey
haduu reer gebogaboobo
gurboodkiisuna xumaado
waxaa gabay aabahoode
xil gudo oo garasho yeelo

Laari

Taladu waa guud ahaane
intaan eeda naga dhaaftide
waxay gasho hooyadoodna
caruurta laga gartaaye
asaagood inaanay gaadhin
dhashaad ku gardaadisaaye
bal maxaad noo gebo-gabaysay
gaadiidku cudur ku guuro
gurada ubadka uga saartay
bal maxaad noo gebo-gabeysay

Binti

Anigoon guntanayn balaayo
markaad galabtii dhaqaaqdey
habeen badhna igu garaacday
hinaase garbaan u yeeshey
inkastoo talo kugu gadooday
iminka cadho kugu gadhoodhay
haduu reer gebagaboobo
gurboodkiisuna xumaado
waxaa gabay aabahoode
Xil gudo oo garasho yeelo

Exit mobile version