waligay intaan jirayee
adigaan wanaagiyo
warsan kuu akhrinayee
webiyada kalgacalkaan
wadaan kugu xirayoo
wadnahayga adigaan
kaaga waab sameeyee
waranka igu dhacayee
halistii waxyeeliyo
jacalkaan la weerahay
welwelkiyo dhibaatada
kuma waari doonee
waxyeelada igaadhiyo
adiguna wadeecada
warba igama hayside
wanaagii dhexdeeniyo
ama ila wad caashaqa
ama aan ku waayee
wajigaaga iga qari
sida maalin weynoo
culimadu wardiga iyo
waduxaad akhirinayaan
waayo araguna sheekada
taariikhaha wadaagaan
wakhtiyada salaadana
farxad kugu wajahayaa
naftaan weyraxaysee
kaa daba wareegtaa
wasiisiga habeenimo
riyo weheshigaagii
kuma waari doontee

Exit mobile version