Heesta Waxaan aamusnaado - Lyrics
Waxaan aamusnaado
ildhukeyn daraadi
afka gacaanta saaro
jacayl iga adkaaye
nabaarada afkoodiyo araamidii sii
ogaada ku faftaan
la adkaysan waaye.
Ifka kaan ka dortow
ibtiladaan ii haysiyo
eedadka ashaqaa
adigay? igu beeraye
Markad aragtaa awgaa
inaan ku ildaranahay
waxan uurka ka jirin
isa soo abaaraaye
adna dabaq banaaniyo
igu dhaftay omaaney
i dishaaye asaaqa
dadka kaad u jeceyshahay
aduunyada dushedaana
istaarexku noolow
Hadii aad moday aaqiro
Inay ehelo leedahay
La'iskuma aqoonsado
Kuu imaan maayaan
Aabo iyo adeerkaa
Adigoo arkaayana
Arxan kuuma galaaya
Aduunkaan aanu joogniyo
Ruux ku aaminay
hadaan loo abaal gudin
Aaqirana abuur cunay ka aba
Waxaan ahay asaagaa
Dadka kaa ishaartoo
erayda aan ku leeyahay
??
sida roon rabaa ogee
adna dabaq banaaniyo
igu dhaftay omaaney
i dishaaye asaaqa
dadka kaad u jeceyshahay
aduunyada dushedaana
istaarexku noolow