VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dooqeyga - Lyrics

Sida uduga neecawda Istareexa reexaanta Ku ildoogsigi ubaxa Intifaacsi aragayga Qoraxdoo ilayskeeda Soo wada eekaynaysa Shucaaca oontiisa U eekata muuqaaga Quruxdiyo itaalkaaga Isir raaca bilicdaada Iyo aniga dookhayga ALLOW yaa isugu keena Sida ololka iyo nuurka Oogadan iftiimaysa Ehel xuuralcayneedka Kaligaa istaahilida Aramida jacaylkayga Xiska sii asqaynaysa Oonkiyo haraadkiisa Adigunbaa anqarin karayee
Queue is empty
-- / --