Heesta Hasaldhigo - Lyrics
sahwiyoo jacaylkaa siriq ila helay
sadrigiyo laabtuu salka dhigayoo
sidan ahay mooyee waa i sitaa ani
anba samadaasuu ka sokee iyidhi
anfacii ka soomoo hurdo seegayee
hadaad ila sidin sidiiban noqon
ha saldhigo qoyskuye ha saldhigo
ma saxnaa qalad ma isu samirnaa
salmay waxaan soconayn ma iska saarna
ha saldhigo qoyskuye ha saldhigo
ma saxnaa qalad ma isu samirnaa
macaan waxaan soconayn ma iska saarna
soomaali dhaladeey suurad wacaneey
qurux tii lasiiyaay suuban dumareey
adigaan ku sahantee gacanta isii
raga kaan ka soocdeen saamiga u helay
sinjigii gobta ahaa u sareeyow
sibay wax yihiine ma ila socotaa
ha saldhigo qoyskuye ha saldhigo
ma saxnaa qalad ma isu samirnaa
salmay waxaan soconayn ma iska saarna
ha saldhigo qoyskuye ha saldhigo
ma saxnaa qalad ma isu samirnaa
mataan waxaan soconayn ma iska saarna