Heesta Bogayga ku taba - Lyrics
Yarta dhuuban dhaban
Keeda dheeha saaran
Dhaafi maayee waaban
Dhunkan
Yartu bilicsanaa oo
Bidhaan fiicanaa ma
Bil dhalatayoo looo
Bishaaraynayaa
Inta boqole iyo wiil bar
Baara nool adaan beel
Dajiyow kaala bixi laha
Boqorkaa ogoo been
Ma sheegaye bishimaha
Afkiyo qoorta buuxdaa
Idilay
Alow yaa naf bixi kugu
Baanta oo bilad yaakuu
Xiroo raga yaakaa boq-
Rada
Boholyowgii aad igubeer
Tay iyo wadno bihinbihaa
Iigu wacan balwada
Balantiyo axdiga baajin
Maya oo boqolaal sanaan
Baari kuu ahaan
Bari iyo galbeed adaan
Kaa baafiyoo baadidoon
Kaagii baan dhulka badi
Umari
Bishan iyo bishii hore
Waan kuu bukee alaa
Beerkaay bidhan taada
Maxaa ibaray
Hay bogaygaa kutaba
Badh tamaha habeen
Kii bogaygaa kutaba
War bogaygaa kutaba
Badh tamaha habeen
Kii bogaygaa kutaba
Yarta dhuuban dhaban
Keeda dheeha saaran
Dhaafi maayee waaban
Dhunkan
Bardanay awaariyo buur
Kuu dhow baxsan deqoy
Ma ceelkii bulaalaad ka
Timid
Balaygii caado oo roob
Ku buuxiyiyo barimada
Gobniyo bilcin caymaan
Ka imid
Beerihii maraa caato oo
Soobaxiyo bankii qoraxay
Yaa buula leedh kaaga
Rida
Burqo iyo barmil bulshadi
Jogtay baa layga baaqay-
Oo iigabaxay bidhaan
Bali dhuuro iyo barta iyo
Guracan iyo beeshii dig-
Taalay masoo booqanaa
Badarkii liibaan oo bislaa-
Day iyo bustanada goday
Barqin dharag sanaa
Bartamaha jigjiga oo bar-
Waaqaysan baan huuno
Baar caday beryo joogay-
Naa
Buurihii garbiyo banka oo
Doog leh iyo baydka raax-
Adiyo birqod ma ila tagi
Hay bogaygaa kutaba
Badh tamaha habeen
Kii bogaygaa kutaba
Hoy bogaygaa kutaba
Badh tamaha habeen
Kii bogaygaa kutaba