VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Awaawul Qabiil - Lyrics

Aniga wali Eed maan galin Abti iyo ehelkee ma dilin Awradeedii rumaad Walaakeed igama nixin Asaagee uur xumiyo Aqayo ciil maan badin Agoon xoolaheed ma cunin Abaabul Qabiil magalin ALLAH mahadaa ALLAH mahdaa iska leh Abaalna waa waalidkee Asluub igu abaabiyoo Abaalkoodaan u celin Annigu wali eex maan galin Aftiriskana la iima barin Ilmaha somaaliyeed anigu Waa wada abkee Ayaan qura kaan bartiyo In badan kii aan aqiin Ayaa tahay kuma iraahdo Midbay ii wada yihiin ALLAH mahadaa ALLAH mahdaa iska leh Abaalna waa waalidkee Asluub igu abaabiyoo Abaalkoodaan u celin
Queue is empty
-- / --