Heesta Gacansaar - Lyrics
Gacansaarkii caashaqa
Hadaad Gooysay Inanayahay
Anna goorac halisiyo
Golxon baad imarisoo
Halboolahaad igooysee
Nafsi gaawaha u xulo
Adigee kuu gaar tahee
Kalkacalkii boodhari
Hodan umay garaabinee
Waa tii gooriyoodee
Markuu Aawaday u go'ay
Ayee gocashada ku tiri
Armuu gamacsanaayoo
Godka qalad ugu rideen
Rag waa gaadma badanyahee
Goorgarin caashaqu magalo
Ganacsina laguma helo
Gafkii laga gala Cishqiga
Gidii layla iyo qays
** Go'aano badan
Godabtiisa ****
Aday kuu gaaxsanee
Kalkacalkii boodhari
Hodan umay garaabinee
Waa tii gooriyoodee
Markuu Aawaday u go'ay
Ayee gocashada ku tiri
Armuu gamacsanaayoo
Godka qalad ugu rideen
Rag waa gaadma badanyahee
Lyrics by Ruun Ali