waxdhintaad ka samirtaa
rejo waa la dhawraa
wixii dhumayna doon doon
ayaad is dhiiri gelisaa
ana dhaawac baan ahoo
dhibtu way igu badan tahoo
dhidid iyo kulayl baan
dhabanada ka da,ayoo
dhaba ceel tagayn baan
geel ku dheelmiyaayoo
dhalandhool haraadbaan
dhabanada ka da.ayoo
dhici wayday sidaan rabay
dhaawiciina dilaacyoo
waa dhaboobay jacaylkaan
dheel dheeshanaayee
dhagax dhuunta kama dego
dhaayahaad ku aragtaa
dhulka meesha dooga leh
carabku ma dhadhamashee
ana dhaawac baan ahoo
dhibtu way igu badantoo
dhidid iyo kulayl baan
dhabanada ka da,ayoo
dhici wayday sidaan rabay
dhaawiciina dilaacyoo
waa dhaboobay jacaylkaan
dheel dheeshanaayee

Exit mobile version