Heesta Ruux dhintaad ka samirtaa - Lyrics
Wax dhintaad ka samirtaa
Rajo waa la dhowraa
Waxii lumay doon doon
Ayaad isu dhiirgalisaa
Dhaban ceel tagay baan
Meel dheeliyaayoo
Dhalandool haraadan baan
Iska dhigayaayoo
Dhici waaydoo sidaan rabay
Dhaawacii baa cilaacoo
Waa dhaboobay jaceylkaan
Dheel dheelsanaayee
Dhagax dhuunto kama dago
Dhaayahaad ku araktaa
Dhirta meesha dooga leh
Carabkana dhadhamishiga
Anna dhaawac baaan ahow
Dhibtu way iga badantahoo
Dhidid iyo kuleel baa
Dhabanada ka da'ayee
Dhici waaydoo sidaan rabay
Dhaawacii baa cilaacoo
Waa dhaboobay jaceylkaan
Dheel dheelsanaayee