Heesta Dawadii naftayda - Lyrics
Dawadii naftaydaay
dadka taan ka doortaay
sow inaan ku daawado
dal dheer ugama soo kicin
dumar haygu noqonine
sidaan kaaga daba dhacay
inaad ii daryeeshaa
waan kaa danbeeyaa oo
door waxaan idhaahdaa
duni lama amaanee
dahab weeye gabadhuye
Malagii ku dilay iyo
sidaan ahay dabaylaha
dadka kala dhantaala I diidey hadalkee
inaad daah isaartayoo
kaligaa dakaysaa
waxaad damacday maahee
miyaa la igu kaa diray
adigaan da'daadana
kaa daawaanayoo
damqashada jidhkaygiyo
siduu caashaq ii dilay
alle daa'in weeyee
duul kuguma soo dago
waan kaa danbeeyaa oo
door waxaan idhaahdaa
duni lama amaanee
dahab weeye gabadhuye
malagii ku dilay iyo
sidaan ahay dabaylaha
dadka kala dhantaala I diidey hadalkee
inaad daah isaartayoo
kaligaa dakaysaa
waxaad damacday maahee
miyaa la igu kaa diray
kuwa nala da'dahuna
waa is doonanaayaan
inaguna daleedkiyo
darbiyadaan wareegnaa
doqonimana weyaan
aan kala doorano
waan kaa danbeeyaa oo
door waxaan idhaahdaa
duni lama amaanee
dahab weeye gabadhuye
malagii ku dilay iyo
sidaan ahay dabaylaha
dadka kala dhantaala I diidey hadalkee
inaad daah isaartayoo
kaligaa dakaysaa
waxaad damacday maahee
miyaa la igu kaa diray.